Ereyga Maanta: fullaacsan
waajihin  ld wejihin.
waal  1. Qof wax maskaxda lagaga jiro ka dhigid. 2. Is w.: qof waalan iska dhigid. 3. Qalabka matoorrada mid ka mid ah oo qarxinta shidaalka ka qaybgala.
waalallow  Welwel; walaac.
waalan  1. Qof waalli hayso ahaansho. 2. U w.: cid wax si xad dhaafa ah u jecel ahaansho.
waalasho  eeg waalo².
waalay  Qaalin, dib markii ugu horraysay qooqay; qooqan.
waalaysasho  eeg waalayso.
waalayso  Waalo cayaarid.
waali1  Nin madax ka ah qaybaha dal u qaybsamo midkood; naa'ib beeldaaji; barasaab. waali2  Ka w.: nafley meel si ba'an uga caajin. waalid1  Laba qof oo wax dhashay waxa ay ilmahooda u yihiin. ld waarid. waalid2  eeg waal. waalli1  1. Cudur kasta oo kartida wax lagu kala garto baabi'iya, dhantaala ama wax u dhima. 2. (-iyo, ml.) Gogol ka samaysan weylo yaryar hargahooda layskuna tolo; weylaalis. waalli2  (daaw.) Isbeddel daran ee dhimirka oo caan ku ah habka fakaridda oo aan dhammayn iskuna xirneyn; abbaaridda dhabta oo beddelan; iyo jawaab celin caadifi ah. waalo1  Cayaar cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, raggu cayaaro oo labo saf oo iska soo horjeeda, tira isla egna ah, iyadoo jilbajabsan gacmahana lagu cayaaro hees iyo jiibna leh; hellem. waalo2  1. Wax waalan noqosho. 2. Ka w.: meel cabsi awgeed uga cararid. waalwaal  Is w.: qof waalan iska dhigid.
waalwaalid  eeg waalwaal.
waama  Goorma.
waan  Meel dhul ah oo bannaan.
waanbe  Jaad badarka ka mid ah oo ay iniinihiisu aad u yaryaryihiin.
waani  Cid waano u jeedin.
waanin  eeg waani.
waano  Hadallo talo ah oo cid loo jeediyo iyadoo wax lagu faraayo ama wax looga reebaayo.
waansan  Cid wax la waaniyey ahaansho.
waansanaan  eeg waansan. ld waansanaansho.
waansanaansho  ld waansanaan.
waanshee  Dan la'aan meel u tegid.
waansheyn  eeg waanshee.
waantoobid  eeg waantow.
page : 4 of 40
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>