Ereyga Maanta: fullaacsan
xummad  Kulaylka jirka oo sarakaca jirro awgeed.
xummad-guduud  (daaw.) Cudur si aad ah la isu qaadsiiyo sida badan ku dhaca carruurta, waxaana keena baktiiriyada “streeptococcus”. Waxaana laga qaadaa qof qaba ama qof jeermigu jirkiisa ku jiro oo an bukin - waxaana la isugu gudbiya qufac ama caano jeermigu gaaray.
xummad-hurdo  (daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo uu keeno “arbo fiirus” waxa laga helaa Afrikada kulul iyo gobollada waqooyi ee koonfur Ameerika, waxa gudbiya kaneeco khaas ahaan “aedes Aegypti”, fiirusku wuxu baabi'iya soohyada beerka iyo kelyaha.
xummadaysan  Wax xummadi hayso ahaansho.
xummadaysnaan  eeg xummadaysan. ld xummadaysnaansho.
xummadaysnaansho  ld xummadays-naan.
xumo  Wax aan la jeclaysan ama aan wa-naagsanayn.
xun  1. Wax aan wanaagsanayn ahaansho. 2. Ka x.: wax aan raalli ka ahayn wax la sameeyey ahaansho. 3. Ku x.: wax, wax aad u jecel ahaansho.
xundhur1  Xuddun. xundhur2  (daaw.) Cudur la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha shuban dhiig iyo axal la socdaan. xundhur-ameebeed  (daaw.) Jirro xiidmeed oo uu keeno noole borotosoo ah (entamoeba istolytica), kaasoo keena in uu xiidmaha dalooliyo ama absees ku sameeya: beerka, sambabada iyo maskaxda; waxaana laga qaadaa cunnada iyo biyaha aan nadiifka ahayn oo ay gaadhey saxaro qof cudurkaas qaba.
xundhur-bakteeriyeed  (daaw.) Cudur ku dhaca xiidmaha oo uu keeno bakteeriyaha loo yaqaan shigella, waxaana laga qaadaa cunnada iyo biyaha aan nadiif ahayn oo ay gaadhey saxaro qof cudurkaas qaba. Astaamihiisa waxaa ka mid ah shuban, lallabo, casiraad, qandho oo ilaa todobaad socdaan.
xundhuro  Qaraabo calaaqaad wanaag-sani ka dhexeeyo.
xunguruf  1. Bahal ka mid ah bahalaha sheekooyinka lagu tebiyo hase yeeshee ayan cidi weli arag oo leh ciddiyo dhaadheer oo ay wejiga kaga xagato dadka. 2. Dafo. 3. Cadaa-wadnimo yar oo dad ka dhexeysa.
xuquuq  eeg xaq.
xur  Weel yar oo wax lagu beego oo afar qursi qaada; suus; madaal.
xurbi  Caano iwm xurbiye ku walaaqid.
xurbin1  1. Ul dheer oo afka ganto ku leh oo caanaha iwm lagu walaaqo. 2. Ul gaaban oo af buuran leh oo soorta la karinayo lagu walaaqo. ld xurbiye, xurbo, xurub. xurbin2  eeg xurbi. xurbiye  1. ld xurbin¹. 2. Qaybta ku dhex wareegta matoor danab ama danab dhaliye, xurbintaasina waxa ay keentaa in uu danabku saaqmo mareegta dhexdeeda.
xurbo  ld xurbin¹.
xurguf  Iska horimaad yar oo laba qof ama ka badan ka dhexeeya.
xurgufsii  Cid faraheeda xoog wax uga qaadid.
xurgufsiin  eeg xurgufsii.
xurmayn  eeg xurmee.
xurmaysan  Wax xurmo leh ahaansho.
xurmaysnaan  eeg xurmaysan. ld xur-maysnaansho.
xurmaysnaansho  ld xurmaysnaan.
xurmee  Cid xurmo u yeelid; cid sharfid.
xurmo  1. Weyneyn; sharaf; tixgelis; muuno. 2. Hanti yar oo nin siiyo naagtiisa qaraabadeeda.
page : 56 of 60
<< < 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 >