Ereyga Maanta: fullaacsan
xusulduubid  eeg xusulduub². ld xusul-duub¹.
xusullaysasho  eeg xusullayso. ld xusul-laysi.
xusullaysi  ld xusullaysasho.
xusullayso  1. Xusul mudasho. 2. Dhudhun wax ku cabbirasho.
xusuus  1. Awoodda maskaxda ee kaydin-ta dhacdooyinka. 2. Gocashada dhacdo qof raad ku reebtay.
xusuusad  ld xusuusasho.
xusuusan  Cid wax horay u dhacay maskaxda ku haysa ahaansho.
xusuusasho  eeg xusuuso. ld xusuusad.
xusuusdhig  1. Meel la dhigo dukumentiga muhimka ah. 2. Dhigidda meel taariikh ah la dhigo ubax xusuus ah.
xusuusi  Cid waxay ilowsanayd garwaaqsiin.
xusuusin  eeg xusuusi.
xusuusnaan  eeg xusuusan. ld xusuus-naansho.
xusuusnaansho  ld xusuusnaan.
xusuuso  Cid waxay illow-sanayd garwaaqsasho.
xusuusqor  Buug lagu qoro waxyaabaha la doonayo inaan la illaawin.
xutubi  1. Wax qadarin. 2. Wax fiiro gaar ah siin.
xutubin  eeg xutubi.
xutush  ld cutush.
xuub1  1. Lakab ama baal khafiif ah, oo jilicsan, oo xubnaha nafleyda meelo ka mid ah ku rogan, ku dahaaran. 2. Baal jaadkaas ah, oo dhirta iniinaheeda ama meeleheed kale ku rogan. xuub2  (c.nafl.) Nudo kiish oo kale ah kuwaas oo daboola isku xidha ama ku dhereran unugyada bayoolojiyeed iyo organ yarayaashooda, organnadooda iyo dhismayaashooda kale. xuub-badh-habe  (baay.) Marka la sharaxayo siimowga, xuub oggolaada inay dhexmaraan molikiyuulladda miluhu, hase yeeshee aanay dhex mari karin kuwa milmuhu.
xuub-balaasmeed  (baay.) Xuubka badh habaha ah ee sameeya xadka dusha ee unugga. Xuubka badankiisu wuxuu ka samaysanyahay borotiinno iyo dufan. Wuxuu joogteeyaa walxaha gelaya iyo kuwa ka baxaya unugga.
xuub-ileed-holac  (daaw.) Halaamacoodka xuubka daboola wilka isha. Astaamaha: xanuun badan, isha oo ilmeysa iyo aragga oo xumaada.
xuub-malaas  (c.nafl.) Xuub qoyan oo gudaha kaga malaasan xubnaha qaab dhuumeedka leh iyo xubnaha daloola sida: sanka, daloollada sanka xiga qaybta neef mareenka, xameyti mareenka iyo qaybta ganaca. Afka waxaa ku malaasan xuub dhis-mihiisu isbedbeddelo. Xuubka malaasku wuxuu ka sameysanyahay: ebiteliyum oo ugu sareeya waxaana ku yaal qanjirro yar-yar oo sameeya xab, waxaana ka hooseeya lakab soohxiriiriye ah iyo lakab ah muruq-xuubeed oo ugu hooseeya.
xuub-maskaxeed  (c.nafl.) Saddexda xuub ee ka sameeysan sooh xiriiriye oo hoos kaga dahaaran lafta madaxa iyo godka laf-dhabarta, waxayna daboolaan maskaxda iyo xangullada.
xuub-muruqeed  (c.nafl.) Sooh xiriireed daboola xubnaha jilicsan ee jirka wuxuuna leeyahay qayb sare, maqaarka hoostiisa, iyo qayb hoose oo ku duuban xirmooyinka muruqyada.
xuub-ubuceed  (c.nafl.) Xuubka qoyan ee uurkujirtada gudaheeda.
xuub-wadne  (c.nafl.) Xuubka ku daboolan wadnaha oo laba qaybood leh; qayb dibadeed oo dhammaan wadnaha daboola wuxuuna ku dhaggan-yahay xididdada dhiigga ee waaweyn oo wadnaha ka baxa ama soo gala; qaybta gudaha qoyaan leh waa kiish xiran: waji toos ugu dhaggan muruqa wadnaha; iyo waji xiga qayb dibadeedka xuubka; riisheka dhexdiisa waxaa ku jira qaddar yar oo dhacaan ah oo ka ilaaliya isxoqidda labada qaybood ee xuubka marka wadnahu garaacayo.
xuub-wadneed  (c.nafl.) Dhinaca lafdhabarleyda, xuub qoyan oo sameeya gidaarka moqorka kalka wadnaha.
xuub-xabeed  (baay.) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereere-ranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo ma-riinka hawada.
page : 58 of 60
<< < 53 54 55 56 57 58 59 60 >