Ereyga Maanta: fullaacsan
xuubabbays  Saracda korkeeda (oogada dadka).
xuubdhacsad  ld xuubdhacsasho.
xuubdhacsasho  eeg xuubdhacso. ld xuubdhacsad, xuubdhacsi.
xuubdhacsi  ld xuubdhacsasho.
xuubdhacso  1. Mas iwm xuub ridid. 2. Nafley cayilid. 3. Nafley muuqaalkeedii hore mid ka fiican yeelasho. ld xuubsiibo.
xuubdillaac  (daaw.) Xubin jirka ka mid ah haddii ay ka baxdo meeshii ay caadi ahaan ku taalley.
xuubdillaacsad  ld xuubdillaacsasho.
xuubdillaacsasho  eeg xuubdillaacso. ld xuubdillaacsad, xuubdillaacsi.
xuubdillaacsi  ld xuubdillaacsasho.
xuubdillaacso  1. Xuub-ka sare iska siibid. 2. Qaabka sare beddelid.
xuubi1  Libaaxbadeedka waaweyn jaad ka mid ah. xuubi2  1. (f.g) Caano degdeg u qurqurin. 2. (f.mg) Wax qolof ama ded saarnaa ka qaadid. 3. (f.mg) Xoolo iwm degdeg ku kaxayn. xuubin  eeg xuubi².
xuubka saynuufiyal  (c.nafl.) Xuub ka samaysan nudo isku xidhayaal, kaas oo sameeya kiish ku wareegsan kala goys dhaqdhaqaaq samayn kara, sida kala goyska suxulka, oo labada dhinacba kaga dhegsan laf. Kiishka waxaa ka buuxa dheecaan isjiidanaya oo subka korka sare ee carjowda kala goyska.
xuubka timbaanik  (c.nafl.) Xuubka kala sooca qaybta kore iyo qaybta dhexe ee dhegta. Wuxuu sameeyaa dhaq-dhaqaaq uu ugu jawaabayo hirarka codka, isaga oo u gudbinaya barta maqalka, siina marinaya laf dhexe-dhegoodka.
xuubsad  ld xuubsasho.
xuubsasho  eeg xuubso. ld xuubsad, xuubsi.
xuubsi  ld xuubsasho.
xuubsiibad  ld xuubsiibasho.
xuubsiibasho  eeg xuubsiibo. ld xuub-siibad.
xuubsiibo  Xuubka ama haragga duugooba ka bixid, ka siibasho (halaqu sanadiiba dhawr jeer buu xuub-siibtaa).
xuubso  1. Xuubka hore ka diirasho, ka muruxso. 2. Canaan iyo dagaal kulul cid ku samayn.
xuudhayn  eeg xuudhee. ld xuudheys.
xuudhee  1. Socod aayar ah oo aan meel la tageyn socosho. 2. Isku x.: laba nafley isku dirid.
xuudheys  ld xuudhayn.
xuuko  Subag hilibka geela laga shiilo oo sida xayrta adkaata.
xuunsho  Shimbir badanaa cad oo wa-sakhda cunta.
xuur  1. Inan da'yar. 2. X. ah: yar, aan weyneyn.
xuur1  1. Gabar yar oo aan fil weyneyn. 2. Shimbir luqun dheer. xuuralcayn  1. Gabdho aad u qurxoon oo jannada jooga. 2. Gabadh aad u qurxoon una dabci wanaagsan.
page : 59 of 60
<< < 54 55 56 57 58 59 60 >