Ereyga Maanta: fullaacsan
xag1  Dhan; jaho; dhinac; gees. xag2  Candhada xoolaha horaad iyo danbeed isku dhinac ah. xag3  Ciddiyaha, ilkaha iwm cid wax ku yeelid (xagasho). ld xago. xagaa1  1. Afarta nur oo sanada midkood; wuxuu u dhexeeyaa guga iyo dayrta; xilliga xagaayadu da'do. ld xa-gaay. xagaa2  (c.fal.) Loolka dhexe, waa xilliga ku xiga guga, xiddigis ahaanna waxa loo tixgeliyaa inuu ku beegan yahay kubbad badhka min hornaqa xagaaga (21 juun) ilaa caano maallada isle eg ee dayrta (21 sebtember). xagaabbax  ld kulayle.
xagaaf1  Dhul ciid guduud jilicsan leh oo ariga saac u lahayn. xagaaf2  Kabo harag ka sa-maysan oo duug ah. xagaaf3  Wax siman ka dhigid (dhul). xagaafayn  eeg xagaafee.
xagaafe  Degaxaar.
xagaafee  Neef xagaafo shilin, ragaad kaga gurid.
xagaafi  Si cagajiid ah u socosho.
xagaafid  eeg xagaaf³.
xagaafin  eeg xagaafi. ld xagaafis.
xagaafis  ld xagaafin.
xagaafo  Bir xalleefsan, godan oo xoolaha shilinta, ragaadka iwm looga guro.
xagaal  1. Guggub. 2. Fandhaal dheri x. looga hoolo.
xagaali  Dheri xagaal ka hoolid.
xagaalin  eeg xagaali. ld xagaalis.
xagaalis  ld xagaalin.
xagaalsasho  eeg xagaalso.
xagaalso  Dheri xagaal ka hoolasho.
xagaay  ld xagaa.
xagaayo  1. Roob ka da'a xeebaha gobollada koofureed. 2. Xilliga roobkaasi da'o.
xagafsasho  eeg xagaafso.
xagafso  Tallaabo xooggan ku socosho (qof).
xagaggaro  Nooc cawska ka mid ah. ld xaqaggaro.
xagaggeli  U x.: labo qof oo isku dhinac ah, keli ula legdamid; midba xag u deyn.
xagaggelin  eeg xagaggeli.
page : 10 of 60
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>