Ereyga Maanta: fullaacsan
xaaji  (diinta) Nin muslim ah oo waajibaadkii xajka gudanaya ama gutay.
xaajiyad  (dii.) Haaweenay xajinayso ama xajisay.
xaajo  Arrin; xaal; talo.
xaajoo  La x.: cid arrin kala doodid.
xaajood  eeg xaajoo.
xaajootamid  eeg xaajootan².
xaajootan1  Arrin ka doodid. xaajootan2  La x.: cid arrin kala garramid. xaakin  1. (-nno/-immo, m.dh) Gar yaqaan ama qaalli maxkamad u jooga in uu dadka u garnaqo. 2. Qof aan eex samayn.
xaako  Dhacaan adag oo afka ka soo baxa oo ka yimaada oogaada xuubabkeeda jilicsan kolka ay bukoodaan.
xaakoo  Xaako tufid.
xaakood  eeg xaakoo.
xaal1  1. Hanti la siiyo qof sharaftiisa wax loo dhimay. 2. (axwaal, m.dh) Arrin; xaajo. 3. ld xaalad. Sida lagu suganyahay; sah. xaal2  La x.: cid arrin la dhammaysasho. xaalad  ld xaal¹ (3).
xaalad-beeggaal  (fiis.) Xaalad loo adeegsado qiimaha looga qiyaas qaato cabbirrada kul-daynaamikada.
xaaladduun  Waa x.: adduunyadu waa sida!
xaalayn  eeg xaalee.
xaalee  Wax ama cid danayn.
xaalid  eeg xaal².
xaalmari  Cid sharafteeda wax loo dhimay wax siin ama raalligelin.
xaalmarin  eeg xaalmari.
xaalo  1. Xubnaha ragga. 2. Uurkujir.
xaaluf1  Dhulka engegay ama nabaad-guuray oo daaqii ka dhammaaday. xaaluf2  Dhul daaq ka dhammaasho. xaalufi  Dhul xaaluf ka dhigid.
xaalufid  eeg xaaluf².
xaalufin  eeg xaalufi.
xaaluq  Orgi caato ah.
xaammil  Qof dumar ah oo uur leh.
page : 2 of 60
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>