Ereyga Maanta: fullaacsan
xagal1  1. Lowga laabatadiisa dibadda u jeedda oo kolka la fariisto ama lugta la laabo, isku laabanta. 2. Labo xarriiqood oo toostoosan oo meel isugu yimaada iyo qaabka ay u yeelaan korka ama meesha u dhexaysa. xagal2  (xis.) Saxan ka samayma ratibaadda laba xarriigood (dhinacyo ama gacmo) oo ku kulma bar lagu magacaabo geeska xagasha. Halbeegga waa darajo ama gacansin. xagal daacsan  (xis.) Xagasha cabbirkedu ka weynyahay 180° kana yaryahay 360°.
xagal fiiqan  (xis.) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay 0° kana yaryahay xagal qumman (90° ama P/2 gacansin).
xagal furan  (xis.) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay xagal qumman (90°), kana yaryahay xagal toosan (180°).
xagal janjeedh  (xis.) Xagal cabbirkeedu aan ahayn xagal qumman iyo dhufsane qumman midna.
xagal masaafo-cabbire  (xis.) Aalad lagu qiyaso masaafo xagleedda laba shay.
xagal qumman  (xis.) Xagasha cabbirkeedu dhanyahay 90° ama P/2 gacasin.
xagal toosan  (xis.) Xagasha cabbirkeedu le'egyahay 180° ama laba xaglood oo qumman.
xagal-adke  (xis.) Ratibidda saddex addimaale ka sammaysma dhammaan xarriiqyo bar ka soo unkama halka bar wadaag ah isla markaana dhex mara xood sallax oo oodan.
xagaldaac1  ld xagaldaacid. xagaldaac2  Baari ama culays ka batay darti, lugtu la laabmid, la daacid, la kufid. ld xagalkaddaac. xagaldaacid  eeg xagaldaac². ld xagaldaac¹, xagaldaaco, xagalkaddaacid.
xagaldaaco  ld xagaldaacid.
xagalkaddaac  ld xagal-daac².
xagalkaddaacid  ld xagaldaacid.
xagalo  1. Xubin soo baxsan oo wareegsan oo shafka geela ku taal, oo kolka uu fadhiyo dhulka qabata. 2. Xubin-taas hilibkeeda aan jiirka iyo baruurta midna ahayn.
xagan1  Wax la xagtay noqosho. xagan2  Wax la xagtay ahaansho. xagar  Geed leh dhiin badan.
xagasho  eeg xago.
xagatin  Ciddi xoog wax loogu jiiday ama wax kale oo la mid ah, raadka ama nabarka ay reebaan.
xagato  Dhirxagato.
xagaysasho  eeg xagayso. ld xagaysi.
xagaysi  ld xagaysasho.
xagayso  Xag ka maalid ( xoolo irmaan). xagge s. Meel fog ku sugan; xaggeeya. Tus. “Waxaa laga helaa jidka xagge”.
xaggee  Docdee? Halkee? Meelma?.
xagid  eeg xag³.
xagjir  1. Neef irmaan oo aan gayax (sidig) ahayn (geel ama lo'). 2. X. ah: fallaar keligeed la gano oo aan laake ahayn. 3. X. ah: qof aan dhexdhexaad ahayn.
xaglagooye  (xis.) Isku xirid geeso iska horjeeda. Tusaale ahaan, xaglagooyaha labajibbaarane waxa uu laba-gibbaranuhu u qaybiyaa laba saddexagal oo qumman. Marka laga hadlayo shaxan adke ah badanaaba salxaale, sallax xaglagooye waa kan dhexmara laba geftin oo aan deris ahayn.
page : 11 of 60
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>