Ereyga Maanta: maneysi
yamyam  1. Y. ah: qof hadal badan. 2. Askar ku hadli jirtay afka sawaaxiliga oo ingiriisku ka keenay bariga Afrika.
yaqfo  Ilko.
yaqiin  War iwm oo dhabnimadiisa la hubo; xaqiiq.
yaqiinsasho  eeg yaqiinso. ld yaqiinsi.
yaqiinsi  ld yaqiinsasho.
yaqiinso  War iwm dhabnimadiisa hubsasho.
yaqyaqsasho  eeg yaqyaqso. ld yaqyaqsi, yaqyaqsood.
yaqyaqsi  ld yaqyaqsasho.
yaqyaqsii  Ka y.: cid yaqyaqsi ku dhalin.
yaqyaqsiin  eeg yaqyaqsii.
yaqyaqso  Qof yaqyaqsi dareemid. ld yaqyaqsoo.
yaqyaqsoo  ld yaqyaqso.
yaqyaqsood  ld yaqyaqsasho.
yar1  Wiil da' yar. yar2  Gabar da'yar. yar3  1. Wax da'diisu yartahay ahaansho. 2. Wax tiradoo-da ama cabbirkoodu uusan badnayn ahaan-sho. yaraan1  Carruur hooyo wada dhashay midka ugu dhalasho dambeeya; guradambeys. yaraan2  eeg yar³. ld yaraansho. yaraansho  eeg yarow. ld yaraan².
yarad  Hanti la siiyo qoys ama qof laga guursaday gabar ama haweenay.
yarayn1  eeg yaree. ld yarays, yaraysiin. yarayn2  (kiim.) Ogsijiin kasaaridda ama haydarojiin kudaridda loo geysto iskudhis. Guud ahaan, waxa la odhan karaa atam, molikuyuul ama ayoon wuu yaraaday ama yarayn baa ku dhacday marka uu helo elektaroono. yarays  ld yarayn¹.
yaraysad  ld yaraysasho.
yaraysasho  eeg yarayso. ld yaraysad, yaraysi.
yaraysi  ld yaraysasho.
yaraysii  ld yaree.
yaraysiin  ld yarayn¹.
yarayso  1. Qof fal sa-mayntiisa sahlasho. 2. Qof wax ku weyn wax yar ka dhigasho. 3. Qof, cid wax liita ka dhigasho.
yare  Xoogaa, in yar. Tus. “Wuu yare daalanyahay”. ld yarehe.
page : 5 of 12
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>