Ereyga Maanta: maneysi
yaxyaxid  eeg yaxyax². ld yaxyax¹ (2).
yaxyaxin  eeg yaxyaxi.
yeber  Y. ah: ilmo isku hooyo ah kan ugu yar; gurudambays.
yed1  ld yad¹. yed2  ld yad² (3). yedid  eeg yed².
yeeg  Turub hal dhibic leh oo ka sarreya baashiga. ld yake (2), yeeke.
yeeg-bibanji  ld yeeg-bibiish.
yeeg-bibiish  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kale-na shan dhibcood. ld banji-biyeeg, biish-biyeeg, yeeg-bibanji.
yeeg-bicaddaan  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena ka cad. ld caddaan-biyeeg.
yeeg-bidooh  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena laba dhibcood ku leh. ld dooh-biyeeg.
yeeg-bijoohaar  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena afar dhibcood ku leh. ld joohaar-biyeeg.
yeeg-bisaliim  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena saddex dhibcood ku leh. ld saliim-biyeeg.
yeeg-bishiish  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay, dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena lix dhibcood. ld shiish-biyeeg
yeegtiis  Bisha ku dhammaata kow iyo soddon.
yeeke  ld yeeg.
yeel1  Qeeb ceel biyo looga cabbo sida wadaan, dawli iwm. yeel2  Y.-kay, y.-kaa: arrintay, arrintaa iwm. yeel3  1. Xarig dheer oo loo isticmaalo awrta rariddeeda oo isaga gudba awrka dhinacyadiisa, dabagelisna leh. 2. Inta xarig ah ee ka samaysan harag. yeel4  Ha yeeshee (hayeeshee) ama hase yeeshee (haseyeeshee): ha ahaatee, laakiin. yeel5  1. Cid arrin ama wax kale ka aqbalid. 2. Kab go'day samayn. 3. Wax samayntooda ku kicid. yeelaal  1. Hab; farsamo; tab. 2. Laamo geed oo lagu xoojiyo wadaanta afkeeda.
yeelaali  Wax samayn ama hindisid.
yeelaalin  eeg yeelaali.
yeelan  Kab, wadaan iwm wax la sameeyey ahaansho.
yeelasho  eeg yeelo.
yeele  (nax.) Magaca waafaqsan qaab sarfeedka falka weerta; fale.
yeelid  eeg yeel5.
yeelin  eeg yeeli.
yeelnaan  eeg yeelan. ld yeelnaansho.
page : 7 of 12
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 >