Ereyga Maanta: maneysi
yibir2  Haweenay aad u hunguri xun. yibirnimo  Yibir ahaansho.
yiblasho  eeg yiblo.
yiblo  Wax yibal hayo noqosho.
yicib  Gudda miro ka baxa oo qolof iyo labo qalbac oo beer ah leh oo la cuno, aadna u nuxrur badan. ld jicib.
yicibciye  Nooc ka mid ah dhirta faalasha oo geelu aad u daaqo.
yiciis  Dad tabartoodu liidato saboolna ah.
yicis  1. Carruur yaryar oo tabar daran nafaqo darro awgeed. 2. Carruur yaryar oo hooyadood dhimatay.
yicisnimo  Wax yicis ah ahaansho (carruur).
yididdiilo  Rajo; himilo. ld hididdiilo.
yir  Wax yar oo adag oo ku go'an ibta neefka guran.
yirid  (daaw.) Halaamacoodka cirridka oo ay keento huuro ilkaha iyo cirridka meesha ay iska galaan fariisata. Cirridku wuu bararaa si sahlanna dhiig ayaa uga yimaada. ld yerid (1).
yix  Timaha hore oo yaleexa ah oo carruurta la dhashaan.
yohoomid  eeg yohoon².
yohoon1  Y. ah: gaadiidka badda oo shiraaca leh, kolkay u socdaan docda urtu u socoto oo ay dheerayna hayaan. yohoon2  1. Socod aan joogsi lahayn socosho. 2. Gaadiid badeed dabayl gadaal uga timid si fiican ugu socosho. 3. Iyada oo aan rajo laga qabin in la soo noqdo meel ka tegid. yohoonsan  Wax yohoomay ahaansho.
yohoonsanaan  eeg yohoonsan. ld yohonsanaansho.
yohoonsanaansho  ld yohoonsanaan.
yoobsan  Dad ama xoolo meel tuuran ahaansho.
yoobsanaan  eeg yoobsan. ld yoobsa-naansho.
yoobsanaansho  ld yoobsanaan.
yoobsasho  eeg yoobso.
yoobso  Dad ama xoolo meel tuurasho.
yooco  (bot.) Geed kolkuu koro sal weyn yeesha oo haamo waaweyn iyo weelal kale laga qoro.
yoofil  Timo aan la firin ee si xun ku dheeraada; yoos; baabbul; hoolif.
yookayn  eeg yokee.
yookaysan  1. Xoolo, wax addimada ka xiran ahaansho. 2. Xoolo wax geed lagu qabbiray ahaansho.
yookaysnaan  eeg yookaysan. ld yoo-kaysnaansho.
yookaysnaansho  ld yookaysnaan.
page : 9 of 12
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 >