Ereyga Maanta: tartabo
yookee  1. Xoolo addimo ka xirid. 2. Xoolo geed ku qabbirid.
yooko  Wax soo baxsan ama kor u likaysan.
yool  1. Degganaansho la'aan nafley ka muuqata. 2. (-lal, m.l) Sal; gun; madhaafaan. Maalintii y.ka: maalinta qiyamaaha. 3. (-lal, m.l) Goob; madal; garoonka gudahiisa meesha kubbadda cagta iwm lagu dheelo.
yoolaal  Si macno la'aan ah meel u istaagid.
yoolaalid  eeg yoolaal.
yoolgaar1  ld yoolgaarid. yoolgaar2  Ka y.: arrin iwm ka gungaarid. yoolgaarid  eeg yoolgaar². ld yoolgaar¹.
yoolyool1  1. Cayaaro dhawr ah oo ay dhallinyaradu dheelaan habeenkii ama maa-lintii waqtigana ku gaabsadaan, waxaana ka mid ah ciyaar labo goobood (yool) leh oo isaseemid (istaabasho) iyo orod ku badan. 2. ld yoolyoolid. yoolyool2  Xoolo ama dad wax xasillooni darro ka muuqato no-qosho. yoolyoolid  eeg yoolyool². ld yoolyool¹ (2).
yoome  (muus.) Jaad ka mid ah Durban-nada.
yoomid  eeg yoon². ld yulqamid.
yoon1  Hugun; bulaan; qablan; yeer. ld yulqan¹, yulul. yoon2  Dad, xoolo ama nafley kale qaylo samayn; wada hugmid; bulaamid. ld yulqan². yoonge  Dheri weyn oo hilbaha geela lagu kariyo.
yoos  Timo iska baxa oo aan la ilaalin; yoofil; baabbul.
yoose  Mingiska la tunto qaybihiisa mid ka mid ah.
yooyootamid  eeg yooyootan². ld yooyootan¹ (2).
yooyootan1  1. Cayaar sii baabba'aysa oo wiilal iyo gabdho laysu caayo, cay kaftan ah oo aan laga caroon: mirihiisu, suugaan ahaanta aad bay u fiicanyihiin haseyeeshee cayda xun oo uu ku dhisanyahay baa dishay. 2. ld yooyootamid. yooyootan2  Wiil iyo gabar cayaar (kaftan) isaga horimaansho. yoxoob1  1. Fadhi ama taagnaan iyadoo oogada la goda hayo. 2. Lo'da iwm kolka inta roob qabto ay docda roobku ka yimid maahee docda kale wada aaddo, iyadoo is wada qooxaysa. 3. Fadhi yuurur ah. 4. ld yoxoobid. yoxoob2  Si kadaloob ah u fariisasho. yoxoobid  eeg yoxoob². ld yaxoobid, yoxoob¹ (4), yoxoobsasho.
yoxoobsasho  ld yoxoobid.
yoxoobso  ld yoxoob².
yu'ad  ld yu'asho.
yu'asho  eeg yu'o. ld yu'ad.
yu'o  1. Wax cawryid. 2. Wax habaarid.
yucub  (bot.) Geed weyn oo laf adag oo alaabo wanaagsan laga qorto, sida koorta geela.
page : 10 of 12
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 >