Ereyga Maanta: fullaacsan
yuf  Ari, sagaaro iwm dhogor kicidda haleesha marka cabsi la soo gudboonaato.
yulkhad  Bayd faal oo manjaha tan ka sarraysa iyo madaxa ka ah min hal, madaxa tan ka hoosaysana labo.
yulqamid  ld yoomid.
yulqan1  ld yoon¹. yulqan2  ld yoon². yulul  ld yoon¹.
yumbad  ld yumbasho.
yumbasho  eeg yumbo. ld dhumbad, dhumbasho, yumbad.
yumbi  Wax biyo ku dhex mukhuurin. ld dhumbi, kumbi (2).
yumbin  eeg yumbi. ld dhumbin, kumbin.
yumbo  Biyo dhex mukhuurasho. ld dhumbo.
yur  Erey xoog loo yiraahdo kolka bahal layska celinayo, si uu u joogsado.
yurasil  (baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan waxyabaha ay ka koobanyihiin beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedda RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyaa bayramadiin.
yurayn  eeg yuree.
yuree  Dugaag wax ka celin.
yurqudle  Waqti gaajo aad u darani jirto oo cuntadu yar tahay.
Yurub  Yurub (Af-Ingiriis: Europe; Af-Carabi: أوروبا) waa qaarada ugu xigta dhinaca galbeed ee arliga weyn ee la isku yidhaahdo "Eurasia" kaasi oo ka kooban qaarada Aasiya iyo Yurub. Qaarada Yurub waxaa dhinaca waqooyi ka dhaca Bada Arktik, dhinaca galbeedka waxaa ka xiga Badweynta Atlaantik, dhinaca koonfureed waxaa ka dhaca Bada Mediterraniyan.
yuruuruc  Koox ubad ah oo yaryar; carruur; gurbood.
yusur  1. Madow oo dhalaalaya (midab dad). 2. Geed laftiisa madow laga sameeyo miraha tusbaxa.
yutucsasho  eeg yutucso.
yutucso  Wax ama arrin qabsasho.
yuub1  Wiilasha la gudo cadka laga gooynaayo; buuryo; beejo. yuub2  1. Wax soo tagid. 2. Wax istaajin. ld yuuc². yuuban  1. Wax soo taagan ahaansho. 2. Wax taagan ahaansho.
yuubid  yuuc². ld yuucid.
yuubnaan  eeg yuuban. ld yuubnaan-sho, yuucnaan, yuucnaansho.
yuubnaansho  ld yuubnaan.
yuuc1  Yaaw laba loo dhigay middood. yuuc2  ld yuub². yuucan  ld yuuban.
page : 11 of 12
<< < 6 7 8 9 10 11 12 >