Ereyga Maanta: maneysi
yahan  1. Dhagax, adag, xanaf leh oo middiyaha, toorriyaha iwm lagu afeeyo. 2. Baydari; ugaarsade; laaye; dile; hargaanti. 3. Hadii magac gadaal loogu liifaqo xirfad ayuu muujiyaa. Tus. “Dagaalyahan, aqoon-yahan iwm”.
yakayn  eeg yakee.
yake  1. Ganaax weyn oo la saaro cid jebisey xeer u degsan bulsho dhaqan wadaag leh. 2. ld yeeg.
yakee  Cid ganaax weyn saarid.
yakeysan  Qof yakoobay ahaansho.
yakeysanaan  eeg yakeysan. ld yakeysa-naansho.
yakeysanaansho  ld yakeysanaan.
yakoobid  eeg yakow.
yakow  Qof xujoobid.
yal  Dabayl qabow oo roobku keeno.
yalaalug  Lallabo. ld yalaalugo.
yalaalugo  ld yalaalug.
yalaalugoo  Qof yalaalugo dareemid.
yalaalugood  eeg yalaalugoo.
yalaalugsan  Qof yalaalugo hayso ahaansho.
yalaalugsanaan  eeg yalaalugsan. ld yalaalugsanaansho.
yalaalugsanaansho  ld yalaalugsanaan.
yalalaxo  ld yalanyalxo.
yalanyalxo  Dabayl qabow oo roobku markuu da'o ka dib timaada. ld yalalaxo.
yalanyalxoo  Dhaxan yar dareemid cabsi awgeed.
yalanyalxood  eeg yalanyalxoo.
yalax  Y. ah: timo aad u jilicsan. ld ya-leex (2).
yaleex  1. Dabayl ka kacda miyiga oo cabsigelisa qofka keligiisa socda. 2. ld yalax. Timo dad oo aad u jilicsan, sida yixda.
Yallah  hayahee! bax!, tag!, kac!, hus!, yur! ld kis.
yamaan  Qamaan.
yamaarug  (bot.) Geed yar oo gaxandhada u eg.
yamays  (bot.) Dhul weyn oo wareegsan oo go'ay oo salkiisu fogyahay oo inta badan biyo galaan, sida kan Gaalkacyo ku yaal.
yamxeeri  Qof xaaladdiisa dhaqaale oo wanaagsan ka been sheegid; wax badan ka dayrin.
yamxeerin  eeg yamxeeri. ld yamxeero.
yamxeero  ld yamxeerin.
page : 4 of 12
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>