Meeqo erey oo Soomaali ah ayaa ku dhamaado "Iya" ama "Iyah"

Post a reply

Confirmation code
Enter the code exactly as it appears. All letters are case insensitive.
Smilies
:D :) ;) :( :o :shock: :? 8-) :lol: :x :P :oops: :cry: :evil: :twisted: :roll: :!: :?: :idea: :arrow: :| :mrgreen: :geek: :ugeek:

BBCode is ON
[img] is ON
[url] is ON
Smilies are ON

Topic review
   

Expand view Topic review: Meeqo erey oo Soomaali ah ayaa ku dhamaado "Iya" ama "Iyah"

Meeqo erey oo Soomaali ah ayaa ku dhamaado "Iya" ama "Iyah"

by xidig » Sun Mar 09, 2025 6:00 am

Qof baa igu yiri ereyga "Soomaaliya" ma ahan af-Soomaali. Wuxuu i weydiiyay meeqo erey ayaa ku dhamaado "Iya" ama "Iyah". Ujeedkiisu waxay tahay in "Soomaaliya" ee ka timid "Somalia", sababtoo ah erayo ku dhamaado"Iya" af-Soomaaliga ma qabo.

Aniga isla markiiba labo erey ayaa igu soo dhacay oo kala ah "Fiiriya" iyo "Kaliya".

Bil ka hor hees uu soo qaaday Sharma Boy oo magaceedu tahay "Adaan kugu heystaa" waxaa ku jira erayo ku dhamaado "Iya". Erayda heesta qaar ka mid ah "I kolkooliya, adigoo kaliya igu kali ah. Qalbiga adigaa dareen geliya. I kaafiya, asaga i dhaafiya, i xaliya". "I kaafiya" iyo "I xaliya" waa erayo laga soo amaahday af Carabiga.

Haduu jiro halkaan qof af-Soomaaliga aad u yaqaano meeqo eray ayuu ku dari karaa? Teeda kale "Soomaaliya" ma "Somalia" ayay ka timid? :?:

Top