Aniga isla markiiba labo erey ayaa igu soo dhacay oo kala ah "Fiiriya" iyo "Kaliya".
Bil ka hor hees uu soo qaaday Sharma Boy oo magaceedu tahay "Adaan kugu heystaa" waxaa ku jira erayo ku dhamaado "Iya". Erayda heesta qaar ka mid ah "I kolkooliya, adigoo kaliya igu kali ah. Qalbiga adigaa dareen geliya. I kaafiya, asaga i dhaafiya, i xaliya". "I kaafiya" iyo "I xaliya" waa erayo laga soo amaahday af Carabiga.
Haduu jiro halkaan qof af-Soomaaliga aad u yaqaano meeqo eray ayuu ku dari karaa? Teeda kale "Soomaaliya" ma "Somalia" ayay ka timid?
