cagaariye
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-yayaal, m.l/dh)
Macnaha:
- (baay.) Walaxda mas'uulka ka ah midabka cagaaran ee dhirta badidoodu leedahay, molikiyuulka cagaariyuhu waa xudunta ugu muhimsan ee nuugista ilayska marka la eegayo falgallada ilayska ee footoosintasiska.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

