dareeme

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-mayaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. 1. Xubnaha dareenka jirka mid ka mid ah. 2. Xididdada nafleyda ee isku xira xangullaha iyo maskaxda. 3. ld dareemo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dareemo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Caws dhaadheer, oo ka baxa bannaanka iyo dooxoyinka oo gammaanka, geelu jecelyihiin. ld dareeme (3), dureeme, dureemo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur