dheefsade
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-ayaal, m.l)
Macnaha:
- (baay.) Noole quuta kuwa ka yaryar, marka laga eego xagga silsiladda cuntada. Daaqcunayaashu waxay quutaan dhirta cagaaran oo waa dheefsade hore, hilibcunayaashuna waxay quutaan daaq cunayaasha, markaa waa dh. dambe.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

