Daab

Qaabnaxa: Magac Lab ah | Masculine Noun Isrogrogga: (-bab, m.l)

Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado.


Daab

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

1. Cudur leh shuban oo ku dhaca dhasha xoolaha markay dambar badan nuugaan. 2. ld doog². doog


Daab

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-bay, -btay)

Qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.


Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga daab

aadaab | daabac | daabacaad | daabacan | daabacnaan | daabacnaansho | daabad | udaabtahays | daabax |
ld = la-mid / variant
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg