afgembi
(m.l)1. Hab aan sharci ahayn oo dowlad dhisan lagu beddelo; inqilaab. 2. Hoosmaridda, wax afkooda sare uu hoos maro. 3. ld afgembiyid.
afgembi
(Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2) (-iyay, -iday/-isay; -iyi)1. Hab aan sharci ahayn dowlad dhisan ku beddelid. 2. Wax afkooda sare hoos marin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh afgembi ↴
afgembin [m.dh]
ld afgembiyid.
afgembiyid [m.f.dh]
eeg afgembi². ld afgembi¹ (3), afgembin.
duji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax dhammaystirid. 2. Wax afgembiyid. 3. ld tuji.
inqilaab [m.l] (-byo, m.dh)
Hab aan sharci ahayn oo dawlad dhisan lagu beddelo; afgembi.
inqilaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Dawlad dhisan si aan sharci ahayn ku beddelid; afgembin.
manjaxaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof taagan ama socda lugihiisa dhulka ka qaadid si uu u dhaco. 2. Xukun afgembin. ld majaxaabi, mijaxaabi, minjaxaabi.
qallib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1]
(bay, -btay) Wax afgembiyid.
qalliban [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay; -bmi)
Wax la afgembiyay noqosho.