Site icon Qaamuus

jawaabta

afuuf
(m.l)

1. ld afuufid. 2. Soor a. ah: soor aan iidaan lahayn. 3. Xirsi yar oo ummulaha iyo carruurta loo xiro.

afuuf
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-fay, -ftay)

Neef afka ka soo baxday wax ku sii deyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh afuuf

naar-afuuf [m.l] (-fyo, m.dh)
1. Qof dadka isku dira. 2. Mulac weyn; amuur; xayroxade.

afuufan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fmay, -fantay; -fmi)
Wax la afuufay noqosho.

afuufan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-fnaa, -fnayd)
Wax la afuufay ahaansho.

afuufid [m.f.dh]
eeg afuuf². ld afuuf¹ (1).

afuufmid [m.f.dh]
eeg afuufan¹.

afuufnaan [m.f.dh]
eeg afuufan². ld afuufnaansho.

afuufnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld afuufnaan.

afuufo [m.dh]
Neef afka, ama wax kale, laga sii daayo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version