albaab
(m.l) (-bbo/-byo, m.dh)Bir, loox iwm oo hab gaar ah loo sameeyey oo guryaha irdahooda lagu awdo.
albaab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)1. Irrid, albaab u yeelid. 2. Albaab furan xirid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh albaab ↴
albaaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Wax la albaabay noqosho (irrid).
albaabid [m.f.dh]
eeg albaab².
albaabjooge [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
Qof guri weyn, xafiis iwm ilaaliya oo iridda laga soo galo jooga.
albaabnaan [m.f.dh]
eeg albaaban. ld albaabnaansho.
albaabnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld albaabnaan.
alwaax [Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective]
Qoryo xalleefsan oo si gaar ah loo qoro oo laga sameeyo qalabka guryaha sida, sariiraha, kuraasta, albaabyada, miisaska iwm.
baal [m.dh] (-lo, m.l)
Dhinac, doc. Tus. “Baasha midigta ee albaabka istaag”.
ballaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday; -liqi)
1. Albaab, dariishad iwm wada furid. 2. Arrin wax ka qabashadeeda cid u dhigid. Tus. “Maxamed arrinti wuxuu u ballaqay maxkamadda”.