aqoonsasho
(m.f.dh)eeg aqoonso. ld aqoonsad, aqoonsi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aqoonsasho ↴
baadisooc [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Ka b.: qof, baadi xoolo ku jirta ka aqoonsasho.
ictiraaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Cid wanaaggeeda aqoonsasho.
qaado [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-aatay, -aadatay)
1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iwm ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho.
aqoonsad [m.l]
ld aqoonsasho.
aqoonsi [m.l]
1. Warqadda a.ga: dokumenti rasmi ah oo ay ku yaalliin magac dhan,sawir iyo wixii kale oo caddaynaya qof sugiddiisa. 2. Warqadda citiraafka. 3. ld aqoonsasho.
garraw [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-raabay, -rowday; -raabi)
U g.: qof wax sameeyey, arrinta ama sababta ku jiidey, inaan laga fursan karin oo ay garti ahayd aqoonsasho, u qiri.
kalabbaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Wax kala aqoonsasho. 2. Wax laba qaybood ka dhigasho.
nisbee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
U n.: wax inuu wax kale ka soo jeedo u aqoonsasho. Tus. “Deeqsinimada Cali waxaa loo nisbeeyaa aabbihiis”.
wejigaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Cid aqoonsasho. 2. Cid u eexasho.