Site icon Qaamuus

jawaabta

haraati
(m.l) (-iyo, m.dh)

Nooc ka mid ah warmaha waaweyn.

haraati
(m.dh)

Si xoog leh oo cagta wax loogu dhufto. ld harraati¹.

haraati
(Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2) (-iyay, -iday/isay; -iyi)

Si xoog leh cagta wax ugu dhufasho. ld harraati².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haraati

jaalabuto [m.dh]
1. Cayaar ay cayaaraan goroyada, shimbiraha iwm oo ay cagaha dhulka la dhacaan. 2. Socod nafley badani ay koox-koox ugu socoto. 3. Feer, haraati iwm oo cid lala dhaco

laad [m.l] (-dad, m.l)
Lugta oo horay wax loogu dhufto; haraati.

laad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Lugta horay wax ugu haraatiyid.

biibbiile [m.l]
1. Haraatida labada addin ee dambe iyadoo wada jira ay dameeruhu gadaal wax ugu dhuftaan. 2. Qalab noocyo badan leh oo carruurtu marka ay afuufaan luuq kala duwan bixisa. 3. ld biibbiilayn.

biibbiilee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Faras, dameer iwm addimada dambe wax ku haraatin.

biqle [m.l]
1. ld biqlayn. Haraati iyadoo labada addin ee dambe oo wada jiraan dameeruhu gadaal wax ugu dhuftaan. 2. ld biqlo. Sarreen magooliyay.

haraatiggeelle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Kobajaa.

haraa [m.l]
1. H. ah: Neef xoolo ah oo weligiiba ka hara xoolaha uu la soofo. 2. Baaqi. ld hardabaa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version