hawir
(m.l)1. Gelinta wax khatar la geliyo. 2. Dhibaato weyn oo wax loo gaysto. 3. ld hawirid.
hawir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)1. Wax halis gelin. 2. Wax dhibaato weyn u geysasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hawir ↴
hawiran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Wax dhibaato weyn gaartay noqosho.
hawiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Wax halis la geliyey ahaansho. 2. Wax dhibaato weyn loo geystay ahaansho.
hawirid [m.f.dh]
eeg hawir². ld hawir¹ (3).
hawirmid [m.f.dh]
eeg hawiran¹.
hawirnaan [m.f.dh]
eeg hawiran². ld hawir-naansho.
hawirnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld hawirnaan.
indhawiriq [m.l]
Iftiin xoog badan oo indhaha ku dhacay awgii wax la arki waayo.
indhawiriq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
Iftiin xoog badan oo indhaha ku dhacay awgii wax la arki waayid.
haw [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Cod lagu muujiyo hororidda ama haliilidda.
haw [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Cod lagu muujiyo dabeysha foorinteed.