Site icon Qaamuus

jawaabta

hawl
(m.l)

Wax ijaar ahaan loo siiyo qof shaqo qabtay.

hawl
(m.dh) (-lo, m.l)

Waxqabad ujeeddo leh oo la adeegsanayo muruq, maskax iwm; shaqo.

hawl
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-awlay, -awshay)

1. Qof shaqo u yeelid. 2. Cid dhibaateyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hawl

daa [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (dayay, deysay; deyn)
1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”. dayay, deysay, deyn

kaadi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U k.: hawl, arrin iwm oo la fulin lahaa in yar dib u dhigid.

raacdo [m.dh]
Qof wax lumay raadintooda ku hawlan.

caajis [m.l] (-siin/-syo, m.dh)
1. Firfircooni la'aan; wahsi; daal. 2. C. ah: qof hawl nacayb, wahsi badan. ld cajis¹. cajis

caajisad [m.dh] (-do, m.l)
Haweenay wahsi iyo hawl nacayb badan. ld cajisad. cajisad

faa'iido [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Munaafacaad dheeraad ah oo wax loo hawl galay laga helo. 2. Badeeca marka la gado, inta raasumaalkii hore ku kororta. ld faa'ido, feydo¹. faa'ido, feydo

gaafo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ftay, -fatay)
1. Bawdyo kala fogeyn (hal). 2. U g.: wax qabashadooda isu diyaarin. 3. U g.: wax baajintooda isku hawlid. 4. Ku g.: wax dhan walba ka marid.

haasaase [m.l]
Wax la filayo in ay ka dhashaan hawl soconeysa.

idman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax hawl fulinteed u madax bannaan ahaansho (cid).

kaalin [m.dh]
1. Hawl guud inta qof kaga aaddan. 2. ld kaalid.

ha [qr. 1. (nax.)]
Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus.“Ha keenin!”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version