Site icon Qaamuus

jawaabta

her
(m.dh) (-ro, m.l)

1. Riyo ama ido ku nool degaan aysan u dhalan. 2. Nooc idaha ama riyaha ka mid ah oo baryari u dhashay.
kadhergey*

Macnaha halkan ku qor ka giigay


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh her

uurkoole [m.l]
Magac ay caan ku yihiin herinta ugaarsatada ah, wuxuuna tilmaamayaa in ay yihiin isku uur oo aanay wax kala qarsan.

awqoosi [m.l]
Gacan yaraha hargaantiga, marka uu herinta la joogo.

boondhow [m.dh] (-wyo, m.dh)
Furdaaminta la furdaamiyo qof herinta ka mid ah oo dembi galay; carromaris.

boongeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid herin ku darid.

carrabmaris [m.l]
Su'aasha la weyddiiyo herinta inuu jiro cid dembi gashay, marka dhawr goor la soo hungoobo.

cimridherer [m.l]
ld cimridheeraan.

cudur-raagay [m.l] (-rro ..., m.dh)
(daaw.) Sifo cudur muddo dheer socda; sida badan cudurkaas si kadis ah uma bilowdo. Ereygu waxba kama sheegayo khatarta cudurka. cudurrada galmada (C.G.) m.dh (daaw.) (C.G.) Cudur kasta oo la isugu gudbiyo galmada ama isutagga ragga iyo dumarka. C. g.du waxay ka koobanyihiin: eydiska, xabbadda (waraabow), jabtada, herbiska cawrada.

daddil [m.l] (-llo, m.dh)
Xawayaanka inta dadka kula dagaalanta herdida, durdurada, xaraatida.

deebad [m.l]
1. Ugaarsade aan herinta ku jirin ee keligii ugaarta. 2. Shimbir-malab; buli. 3. Shimbir yar oo qaylo badan oo keli keli dhirta gaagaaban dhex orda, bahallada iyo dugaaggana dadka uga diga.

dhakhsaha falgalka [m.l]
(kiim.) Cabbir sheegaya xaddiga falgalaha ah ee qarsooma halbeeg ammineed kasta marka falgal kiimikaad dhacayo. Sidaa awgeed; waa cabbir muujinaya tirada is herdiyada wax ku oolka ah ee dhexmara molikuyuullada falgaleyaasha. Dhakhsaha falgal ku socdo waxa lagu cabbiri karaa dhakhsaha falgaleyaashu ku qarsoomaan ama maxsuulladu ku samaysmaan.

h [m.dh]
(ha') Xarafka siddeedaad ee farta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version