hil
(m.l) (-lal, m.l)1. Boqol siib oo caw ah oo isku xiran. 2. Meel jiq ah oo webiga jiinkiisa ah. 3. Suuman ama xargo lagu xiro weelasha. 4. In culays ah oo nafley mar qaadi karto (h.kiisa, h.keeda). 5. Jawaan, derin iwm oo dhowraarin looga dhigo qarbadka la dhaansado.
hil
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-ilay, -ishay)1. (f.g) Weel xarig, suun iwm afka kaga dhuujin. 2. (f.g) Wax dhowraarin u yeelid. 3. (f.mg) Ku h.: gaadiid wax uu qaadi karo saarid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hil ↴
daabax [m.l]
1. D. ah: neef xoolo ah oo qalliin ku habboon. 2. D. ah: hilib aan tamooti ahayn. 3. ld daabaxid. ld dabaax¹, dabax¹, dibaax, dubaax. daabaxid, dabaax, dabax, dibaax, dubaax
jaahil [m.l] (-liin/-llo, m.dh)
1. Qof aan wax akhrin, waxna qorin. 2. kas-gaab kas-gaab
jaahilbixi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Ka j.: cid arrin ka dahsooneed u iftiimin.
jaahilbixin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaahilbixi. jaahilbixi
jaahiliyad [m.dh]
1. Ku dhaqmid la'aanta diinta islaamka. 2. Xilliga Islaamka ka hore ee taariikhda carabta.
jaahilnimo [m.dh]
Jaahil ahaansho.
baahillaawe [m.l]
Qofka aan cidna u baahnayn; Alle. alle
laama [m.dh]
(c.nafl.) Naasley geela la bah ah oo aan kurus lahayn, lagana helo Ameerikada koofureed, leh sur dheer oo dhuuban, dhego dhaadheer iyo dhogor jilicsan, cufan oo dhaadheer oo la rarto, hilibkeedana la cuno, dhogorteedana dhar laga sameeyo.
rabiish [m.l]
Libaax-badeed uurjiif ah oo hilibkiisu nafaqo badan leeyahay.
saaf [m.l]
1. S. ah: hilib jiir ah oo la balballaariyey oo subag ama saliid lagu shiilay lana kaydiyey. 2. ld saafid.
h [m.dh]
(ha') Xarafka siddeedaad ee farta
soomaaliga, ahna shibbane.