himir
(m.dh)Geed-mirood, miro macaan, laf adag, oo fandhaallada, dhurayaasha iwm laga qoro. ld hamir.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh himir ↴
dhimir [m.l]
Maan; garaad; caqli. ld dhimiro.
dhimir-daaweyn [m.dh]
(daaw.) Hab daaweyn lagu daweeyo isbeddellada dhimirka ku dhaca iyo cuqdada.
dhimiro [m.dh]
ld dhimir.
hamir [m.l]
ld himir.
jirro-dhimireed [m.l] (-ooyin ..., m.l)
(daaw.) Isbeddel ku dhaca mid ama wax ka badan ee hawlaha dhimirka (sida caadifiyadda, dareenka, xasuusta iyo fakarka), taas oo u keenta silic bukaanka iyo dadka kaleba.
karro [m.dh]
Geed-gaab aan qodax lahayn oo miro la cuno iyo laamo laga qoro fandhaalada iwm leh; hamir, himir.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg