holac
(m.l) (-yo, m.dh)Kulayl; dab; olol; holoc.
holac
(m.l)(daaw.) Xaalad cudur oo ka timaadda falgal jirku kaga hortagayo dhibaato dibedda uga timid, waxay xaaladdaasu noqon kartaa: mid muddo gaaban ama mid muddo dheer. H.a muddada gaaban waa falgal difaac oo deg-deg ah oo ay soohyadu kaga hortagaan dhibaato ka timaadda: jermi nool, walax kiimikaad ama fiisikaado. Astamaha: xanuun, kul, casaan, barar iyo hawl gab. Xididdada dhiiga ee goobta waxaasi ka dhacayaan way dabcayaan oo ballaaranayaan sidaas darteed socodka dhiigga waa ku badanyahay goobtaas. Unugyada cad-cad galaan soohyada waxayna bilaawaan in heeraaryeeyaan baktiiriyada iyo waxyaabaha dibedda ka yimid soohyada waxay cunaan wixii dhintay oo way nadiifinayaan marar waxa sameysma malax waxaana bilowda biskood.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh holac ↴
kaadigubasho [m.dh]
(daaw.) Xanuun iyo kaadida oo lagu dhibtoodo, waxa badanaa keena holac kaadihays ama holac kaadimaren. ld kaadiqabad.
olol [m.l] (-llo, m.dh)
1. Holac. 2. Cida geela marka uu oomman yahay ama ubadkiisa waayo.
afweyn-holac [m.l]
(daaw.) Halaamacood lafta afweynta ee ka muuqata dhegta dabadeeda oo saameeya gododka laftaas (air space)la xiriiriya godka dhegta dhexe.
aroore-holac [m.l] (-cyo, m.dh)
(daaw.) Halaamacoodka xididdada dhiigga ku cesha (aroore), sida badan waxaa lagu arkaa lugaha wuxuuna ku dhacaa aroore ballaartay oo laalaaban (varicose veins). Arooruhu xanuun badan ayuu yeelanaya waana adkaanaya maqaarka korkiisa ahna waa kululaanayaa waana casaanayaa. Xinjir xirikareysa xididdada ayaa inta badan sameysmata.
beer holac [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka beerka oo uu keeno fiirus, sun ama difaac jireed oo aan cadi ahayn.
belbel [m.l]
1. Holac weyn oo dabka ka baxo marka la shido. 2. ld belbelid. ld belel¹.
belbel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-elay, -eshay)
1. Meel jirka ka mid ah oo dhaawac ah xanfaafid. 2. Dab holac weyn bixin. ld belel².
cuncun [m.l]
(daaw.) Xaalad cudur oo ka timaadda falgal jirku kaga hortagayo dhibaato dibedda uga timid, waxay xaaladdaasu noqon kartaa: mid muddo gaaban ama mid muddo dheer. Holaca muddada gaaban waa falgal difaac oo degdeg ah oo ay soohyadu kaga hartagaan dhibaato ka timaadda: jermi nool, walax kiimikaad ama fiisikaad. Astamaha: xanuun, kul, cassaan, barar iyo hawl gab. Xididdada dhiiga ee goobta waxaasi ka dhacayaan way dabcayaan oo ballaaranayaan sidaas darteed socodka dhiigga waa ku badanyahay goobtaas. Unugyada cadcad waxay galaan soohyada waxayna bilaawaan in heeraaryeeyaan baktiiriyada iyo waxyaabaha dibedda ka yimid soohyada waxay cunaan wixii dhintay oo way nadiifinayaan marar waxa sameysma malax waxaana bilowda buskood.
dab [m.l] (-bab, m.l)
1. Wax holac kulayl iyo iftiin leh oo ka dhasha gubashada. 2. Hub. 3. Danab. ld deb.
dalqoholac [m.l]
1. (daaw.) Halaamacoodka dalqada iyo xargaha codka waxa keena baktiiriya, fiirus ama walax kimikaad iwm. 2. (daaw.) Halaamacoodka cunaha qaybta dhabxanagga ka dambeysa. Waxay sameysaa cuno xanfaf waxana sida badan la socda quman.
hol [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-olay, -oshay)
Wax isku dayid; tijaabin.