jiifi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Cid meel seexin. 2. Shay dhinac meel u dhigid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jiifi ↴
waab [m.l] (-bad, m.l/waab, m.dh)
1. Dhis yar oo la harsado. 2. Dhis dadka buka la jiifiyo ama lagu daweeyo. 3. Hoose birta lagu tumo.
dambacaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Calool u jiifid (qof).
dhambacaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid dhambacaad u jiifin.
gargaar-degdeg [m.l]
(daaw.) Habab takhtareed oo la adeegsado marxaladaha lama filaanka ah dhakhsana u baahan si loogu gargaaro qof dhaawacmay ama buka inta an isbitalka la jiifi.
jiif [m.l]
1. Dhinaca oo dhulka la dhigo si loo nasto; Hurdo; seexad. 2. Dhacdiid ama dhabbac ama dhinac loo yaal. 3. ld jiifid.
jiifid [m.f.dh]
eeg jiif². ld jiif¹ (3).
jiifin [m.f.dh]
eeg jiifi.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg