jiir
(m.l) (-rar, m.l)1. Hilibka intiisa aan baruurta lahayn. 2. (-rar, m.l) Naasley yar, dabo dhuuban iyo lugo yaryar leh, miro cun ah oo badanaa ku nool meelaha qashinka leh; doolli. 3. Midab madow ama guduud ah oo baro cad-cadi ku dhafan-yihiin.
jiir
(m.dh) (-ro, m.l)Meel sare oo ciriiri ah oo fuuliddeedu dhib tahay.
jiir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)1. Meel xoog ku marid. 2. Wax, wax kale xoog dusha uga marid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jiir ↴
laab [m.l] (-bab, m.l)
1. Calaamadda uu reebo shay fidsan oo laysku soo rogey. 2. Meel leexsan; luuq; jiiro. luuq, jiiro
jaaraan [m.l]
ld jiiraan.
saaf [m.l]
1. S. ah: hilib jiir ah oo la balballaariyey oo subag ama saliid lagu shiilay lana kaydiyey. 2. ld saafid.
saaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Hilib jiir ah balballaarin.
xagalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xubin soo baxsan oo wareegsan oo shafka geela ku taal, oo kolka uu fadhiyo dhulka qabata. 2. Xubin-taas hilibkeeda aan jiirka iyo baruurta midna ahayn.
areerin [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
A. ah: hilib jiir ah oo daliigo dhaadheer oo dhuudhuuban laga dhigay.
birjiir [m.dh] (-rro, m.dh)
Bir jaadad badan ah jiirka lagu dabo.
bisad [m.dh] (-do, m.l)
Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale, caano. mukulaal; basho; bisad; dinnad; dummad; yaanyuur;
burunji [m.dh]
Hilibka intiisa jiirka ah.
busteeki [m.l] (-yo, m.dh)
Hilib jiir ah, xalxalleefsan oo la shiilo ama la solo. ld buskeeti.