jiq
(m.dh)Meel geedo badan oo aan la dhex mari karin; hawd.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jiq ↴
laangooyo [m.dh]
1. ld laangooyn. Goynta xilli abaar ah xoolo loo gooyo geedaha magoolay laamahooda. 2. Jaridda meel jiq ah laame laga jaro si loo maro. 3. Astaan lagu muujiyo jaho la aaday.
usur [m.l] (-rro, m.dh)
Dhul jiq ah oo aan la mari karin.
arjiqore [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Qof araaji qora.
bax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.
cal [m.l]
Baadiye jiq ah.
cayn [m.dh]
1. Nooc; jaad. 2. Si, hab, qaab. 3. Keyn, dhul jiq ah oo dhir badan. ld caynad.
cumur [m.dh]
C. ah: dhir aad isugu dhow oo aan la dhex mari karin; jiq. ld cumir.
cuun [m.l]
1. Meel dhir badan oo jiq ah. 2. Dab, webi, bad iwm agtooda.
dhigdhig [m.dh] (-gyo, m.l)
1. Meel ciriiyoon; jiqjiq. 2. Dh. ah: wadiiqo yar oo ciriiri ah. 3. (sh.r) Cod lagu muujiyo lulashada (wax yar).
dulalaati [m.l]
Dalool yar, ka bannaan wax is haysta ama jiq oo cirku muuqdo. ld dululaati.
j [m.dh]
(ja') Xarafka tobnaad ee xuruufta
soomaaliga, ahna shibbane.