Site icon Qaamuus

jawaabta

jirid
(m.dh)

eeg jir². ld jirrid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jirid

haajirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg haajir². ld haajir¹ (2), haayir¹ (3), haayirid. haajir, haayir, haayirid

naallee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Ku n.: 1. Farax iyo guul ku jirid. 2. Wax rajo ku eegid. ld naalloo.

raag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Daahid. 2. Waqti badan jirid.

taajirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taajir².

waar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Cimri aan dhimasho lahayn ku noolaan. 2. Wax muddo dheer jirid.

boqondhaw [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dhebay, -dhawday; -dhebi)
1. Boqongoyn (qof). 2. Dhir jirid ka jarid.

dibjirid [m.f.dh]
eeg dibjir².

garabsaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Is jirid. Tus. “G. dab!.

harmataan [m.l]
(juqr.) Dabayl xoog leh oo ka soo dhacda woqoogi-bari oo saamaysa galbeedka Afrika. Waxay si toos ah uga soo dhacdaa lamaddegaanka Saxara, waa kulayl, qallalayl, booryley - iyadoo sidaas u kulul una qallalan ayay haddana kala dillaacisaa jiridaha geedaha.

hoosee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-seeyay, -saysay)
Wax meel hoose jirid.

jir [m.l] (-rar, m.l)
1. Oogada dadka. 2. Roob badan oo habeen da'a.

jir [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Meel ku maqnaansho. 2. (f.g) Nafley iwm mudda noolaan. 3. (f.g) Wax sugnaantooda hubid. 4. (f.mg) La j.: xoolo ilaalin. 5. (f.mg) La j.: cid la socosho ama la joogid. 6. Jirtoo: waa yahay ee... Tus. “Naahoy, jirtoo hadduu aabbahaa dhul kala dillacay isku kabi karayo waa nin rag ah, hayeeshee aniga meesha aabbahay joogo dhulkuba kama kala dillaaco!”. 7. Iska j.: Ka digtoonow! 8. Shay intuu ka fogyahay shay kale.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version