jubbad
(m.dh) (-do, m.l)Dhar culus oo raggu qaarka sare ka gashado oo gacmo dhaa-dheer iyo jeebab leh; koor; koodh.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jubbad ↴
jaakad [m.dh] (-do, m.l)
Dhar culus, kor laga qaato oo lagu xarragoodo dhaxantana laga qaato; jubbad; koor.
koor [m.l] (-rar, m.l)
Dhar adag oo culus oo raggu qaarka sare ka qaataan oo dhaxanta laga geshado, laguna xarragoodo; jubbad. ld koodh.
maanyo [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada hoose, waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; qubley, manyiikay, libin, waaray.
manyiikay [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; maanyo, qubleey, libin.
masingow [m.l]
Ciyaar dhaqameed laga yaqaan Jubbada Hoose.
qubleey [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo Xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dheecaan geed; maanyo, manyiikay; libin.
shaayad [m.dh] (-do, m.l)
1. Jubbad yar oo aan gacmo lahayn oo shaatiga laga dul qaato. 2. Idaad xoog badan oo doonyaha lagu xiro, laguna dabto kalluunka iyo libaax-badeedka yaryar.