Site icon Qaamuus

jawaabta

kalhuuris
(m.l)

(daaw.) Muddada u dhexeysa marka qof jeermi qaado iyo marka lagu arko astaanta ugu horreysa ee cudurka.

kalhuuris
(m.dh) (-syo, m.dh)

Xilliga u dhexeeya marka ukunta la dhalo ilaa inta ay ka dillaacayso.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kalhuuris

qandho-baaratifo [m.dh]
(daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo uu keeno baktiiriyada salmonella baaratiifay: (A, B, iyo C). Baktiiriyada waxay ku badantahay saxarada bukaannada cudurkaas qaba iyo kuwa cudur sidayaasha ah oo aan bukin - wuxuuna cudurkaasu dillaaca markii nadaafad xuma u badato ama si aan fayodhowr lahayn oo cunno loo aqoolo. Kalhuuriska oo ah 1-10 maalmood, ka dib astaamo ay ka mid yihiin; shuban, qandho ladifan iyo firiiric ka soo baxa laabta, ayaa bilowda waxayna socdaan muddo toddobaad ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version