karro
(m.dh)Geed-gaab aan qodax lahayn oo miro la cuno iyo laamo laga qoro fandhaalada iwm leh; hamir, himir.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh karro ↴
bankarroor [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. B. ah: qof fulannimo dheeraad ah ku sifoobay. 2. B. ah: cabsi badan oo cidi dareento.
bankarroor [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Cabsi badan dareemid.
bankarroori [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cabsi badan cid ku abuurid.
bankarroorid [m.f.dh]
eeg bankarroor².
bankarroorin [m.f.dh]
eeg bankarroori.
bankarroorsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax bankarroor ku dhacay ahaansho.
bankarroorsanaan [m.dh]
eeg bankarroorsan. ld bankarroorsanaansho.
bankarroorsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld bankarroorsanaan.
kar [m.l]
1. Aburka kulaylka biyaha iyo wixii la mid ah soo saaraan. 2. (-rar, m.l) Cad wax lagu karo.
kar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Gabal yar oo harag, xaashi adag iwm. oo wax lagu karo. 2. Madax nirgood oo la cucubay oo hal lagu maalo.
kar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Wax sameyntooda awood u yeelasho. 2. (f.g) Meel dillaacsan wax ku dul tolid. 3. (f.mg) Hoore burid. 4. (f.mg) Wax muggooda kordhin. 5. (f.mg) Moos iwm bislaansho. 6. (f.mg) Middi af yeelasho.