qaddar
(m.l)1. Karti; awood. 2. Sharaf. 3. Q. ah: xoogaa; kis. 4. Q. ah: qiyaas (waqti). 5. ld qaddar².
qaddar
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)(dii.) Awood Rabbaani ah, oo aan aadamiga ku lahayn wax hawl ah. ld qaddar¹ (5).
qaddar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)Wax ahaysiin (Ilaah).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaddar ↴
aabayeel [m.l] (-yeelay, -yeshay)
Aabayeel ah: qaddarinta ama tixgelinta cid la siiyo. 2. ld aabayeelid. aabayeelid
aabayeel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-yeelay, -yeshay)
U aabayeel: qaddarin ama tixgelin cid siin.
aabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
1. Cid qaddarin
ama tixgelin siin. 2. Weel asal iyo xaydh
marin, si uusan biyaha, caanaha iwm u
habin.
ayodhiin [m.l]
(daaw.) Maaddo kiimikaad oo jirku u baahanyahay qaddar yar si loo gaaro koritaan caafimaad qaba. Jirka qof weyn waxa ku jira 30 mg. oo ayodhiin ah, inta badanna rasin ku tahay qanjirka dhiiqa ee taayroodka.
ciid [m.dh]
1. Dhulka qaybtiisa sare ee dhirtu ka baxdo oo ka samaysanta dhagxaan ay dabeel, qorrax iwm burburiyeen; carro. 2. ld iid 1. Maalin ay ummad qaddariso oo hawlaha laga nasto.
ciid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Maalin la qaddarinayo u damaashaadid (ummad). ld iid².
codo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-otay, -odatay)
Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.
codsi [m.l]
Si xushmad iyo qaddarin leh oo cid wax loo weyddiisto. ld codsasho.
codso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.
darajee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-jeeyay, -jeysay)
Qof, si xushmad iyo qaddarin ku jirto ula dhaqmid. ld derejee.