sakaraad
(m.l)1. Xanuun aad u daran. 2. S. ah: nafley xaaladdeedu aad u liidato oo geeri halis u ah.
sakaraad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)Nafley jirran, wax naftu dhibayso noqosho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sakaraad ↴
digdhaw [m.l]
1. ld dhigdhebid. Gawricidda nafley la gawraco. 2. D. ah: nafley sakaraad ah.
digdhaw [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-dhebay,-dhawday;-dhebi)
1. (f.g) Nafley rubad goyn. 2. (f.mg.) Wax sakaraad ah noqosho (nafley).
harjad [m.l]
1. H. ah: qof sakaraad ah oo naftu dhibayso. 2. H. ah: qof mintid ah. 3. ld harjadid.
harjad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Qof sakaraad hayo rafasho. 2. Qof mintidnimo dheeraad ah muujin.
ilgeeriyaad [m.l]
Xaalad dhimasho muujinay-sa oo qof sakaraadaya ka muuqato.
indhacaddee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-deeyay, -deysay)
1. Sakaraadid. 2. Dood aan wax loo cuksado lahayn ku indha adaygid.
jeenanboob [m.l]
Jeenanboob ah; qof sakaraadaya oo jeenanka aad u qaata.
jirraaq [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
J. ah: qof sakaraad ah oo naftu dhibayso.
jirraaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
Qof sakaraad ah oo naftu dhibayso noqosho.
laqin [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nay, -ntay)
1. U l.: qof wax la barayo u meerin. 2. U l.:qof sakaraad ah oo in uu dhimanayo la moodo ashahaado u marin.