Site icon Qaamuus

jawaabta

salxaale
(m.l)

(xis.) Shaxan adke ah oo ku soohdimaysan dulo (wejiyo) leh qaab geesoole. Barta ah halka ay iska gooyaan saddex ama wax ka badan oo dulo (wejiyo) ah oo ku yaalla salxaale waxa la yiraahdaa gees, xarriiqda ah halka ay iska gooyan labada wejinna waxa lagu magacaabaa geftin. Salxaalaha simman dhammaan wejiyada waa geesoole simman oo isku sargo'an.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh salxaale

xaglagooye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Isku xirid geeso iska horjeeda. Tusaale ahaan, xaglagooyaha labajibbaarane waxa uu laba-gibbaranuhu u qaybiyaa laba saddexagal oo qumman. Marka laga hadlayo shaxan adke ah badanaaba salxaale, sallax xaglagooye waa kan dhexmara laba geftin oo aan deris ahayn.

badidhace [m.l] (-cayaal, m.l/dh)
1. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah.

birisam [m.l] (-myo, m.dh)
1. (xis.) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah iskuna sargo'an iyo dhammaan wejiyada kale ay yihiin barbarooleyaal. 2. (xis.) Salxaale leh laba weji oo barbarro ah oo iska soo horjeeda laguna magacaabo salalka ahna geesooleyaal isku sargo'an. Dhammaan wejiyada kale waa barbarro ah oo u dhexeeya geesaha talantaaliga ah ee salalka.

deris [m.l] (-syo, m.dh)
1. (xis.) Mid ka mid ah dhinacyada saddexagal ee sammeeya xagal la isa siiyey. Marka laga hadlayo saddexagal qumman deris waa dhinaca u dhexeeya xagasha la isa siiyey iyo midda qumman. Marka laga hadlayo tirigonoometeri saamiga dhinaca deriska ah uu sammeeyo dhererrada dhinacyada kale waxa loo adeegsadaa in lagu qeexo fansaarada xaglaha kosayn iyo tanjanka. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. (xis.) Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. (xis.) Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version