Site icon Qaamuus

jawaabta

siyaasi
(m.l) (-iin, m.dh)

1. Qof cilmiga siyaasadda yaqaan kuna shaqeeya. 2. Qof si xirfad leh arrimaha u maareeya.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh siyaasi

aydiyolooji [m.l]
(fals.) Mabaadii habeysan oo ku saleysan figrado iyo ujeeddooyin siyaasi ah. ld aydiyooloojiyo.

casilaad [m.dh]
1. Ka qaadista nin siyaasi ah xilka. 2. ld casilid.

diblomaasi [m.l] (-iyiin, m.dh)
Hawlwadeen siyaasi ah oo ugu qaybsan dalkiisa xiriir dalal shisheeye.

xisbi [m.l]
1. (axsaab, m.dh) Urur siyaasi ah oo loo sameeyey in ay maamul dawladeed ka qaybgalaan. 2. Quraanka oo lixdan meelood loo qaybiyey meel ahaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version