socodsii
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iiyay, -iisay)1. Wax dha-qaajin. 2. La s.: wax xogtooda cid ogaysiin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh socodsii ↴
baaskiil [m.l] (-llo, m.dh)
Gaadiid laba lugoodle ah, aan matoor lahayn oo lagu socodsiiyo lugaha. ld Bushkuleeti, bushkaleeti.
baqooli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley, duhur socodsiin. ld baqoolsii, boqooli, boqoolsii.
dhalandhooli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid qorrax kulul ku socodsiin.
dhaqaaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax taagan socodsiin. 2. Subag, xayr iwm dhalaalin. 3. Wax meel fog geyn.
gaardisii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Cid gaardi ku socodsiin.
gandabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley jirran tartiib u socodsii.
guddi [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-iyo, m.dh)
1. Dad loo xilsaaray inay ka arrimiyaan xaajo doodi ka taagantahay. 2. Dad loo xilsaaray inay socodsiiyaan maamul dawladeed, shirkadeed iwm.
hag [Erey Dareen | Exclamation]
Cod lagu isticmaalo in dameer socodsiiyo; yalla.
hitiqi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley hitiq u socodsiin; luudin.
isbeermatosuw [m.l] (-wyo, m.dh)
(baay.) Unug taranka dhammayska ah ee socda ee xayawaanka lab, kaas oo soo saaraan xiniinyuhu. Wuxuu ka koobanyahay qayb madaxa oo leh bu'dhiman iyo akrasoom, kaas oo u oggolaada xawada inay gasho, ukunta markay bacrimintu dhacayso, qayb dhexe oo leh mitokondoriya siisa tamarta dhaqdhaqaaqa iyo qayb dabo ah oo u samaysan qaab hore u socodsiiya xawada.