xaal
(m.l)1. Hanti la siiyo qof sharaftiisa wax loo dhimay. 2. (axwaal, m.dh) Arrin; xaajo. 3. ld xaalad. Sida lagu suganyahay; sah.
xaal
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-aalay, -aashay)La x.: cid arrin la dhammaysasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaal ↴
ba' [m.fg1] (-'ay, -'day; -bi'i)
1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid.
3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay
yaalleen ka tirtirmid.
baabba' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-'ay, -'day; -bbi'i)
1. Wax ciribtiran ahaansho. 2. Raad, calaamad iwm. oo meel ku yaal tirmid. 3. Wax xaalad dhibaato leh ku sugnaan.
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
baahi [m.dh]
1. Dareen nafleyda ku dhaca marka ay muddo cunto moogaato; gaajo. 2. Xaalad cunto yari oo meel ka dhacda. 3. Dhibaato ay keento wax la aantooda. Tus. “Biixi lacag buu baahi u qabaa”.
nabaaddiino [m.dh]
1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.
saadaal-cudur [m.dh]
(daaw.) Saadaasha socodka cudurka iyo xaaladda mustaqbalka ee bukaanka iyadoo la tixraacayo aqoonta socodka cudurka oo horay loo lahaa, lana tixgelinayo caafi-maadka guud ee bukaanka, da'da iyo jin-siga bukaanka.
saaqan [m.dh]
(fiis.) Isbeddelka ku dhaca xaaladda walax ayna sababtay badad xoog.
urur shaqaale [m.l] (-rro ..., m.dh)
(taar.) Urur matala xoogsatada, rabo in uu wax ka baddelo xaaladda nolosha, mushaarada iyo lacagta.
uuroowid [m.l]
(baay.) Xaalad uurqaadid, marka shahwada labku bacrimiso ukunta dheddigga dhuunta falloobiyo dhexdeda.
waayo [m.l.w]
1. Waqti hore oo la soo dhaafay. 2. Dhacdooyin la soo joogay; wacaal. 3. Arrin; xaal; sah. 4. Dhibaha adduunka; tabaalo.