xaq
(m.l)1. Abbaar; daw; jid. 2. Wax maxkamad horteed ku caddaaday in qof lagu leeyahay. 3. Garsoor; caddaalad. 4. Run.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaq ↴
baaddil [m.l]
Wax aan xaq ahayn.
caadla'aan [m.dh]
1. Xasilloon ahaansho (cir). 2. Caddaan; xaqiiqo. 3. C. ah: xasilloon (cir). 4. C. ah: Wax saafi ah; wax caddaan ah. caddaan, xaqiiqo
raadraac [m.l]
Baarid la sameeyo si arrin hore u dhacday xaqiiqdeeda loo helo. ld raadraacid.
raadraac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
Arrin hore u dhacday xaqiiqdeeda raadin.
tacaddi [m.l]
Wax lagu kaco oo xaqa weydaarsan; waxyeello; gardarro; xumaa-to. ld dacati.
xagaggaro [m.dh]
Nooc cawska ka mid ah. ld xaqaggaro.
yaqiin [m.dh]
War iwm oo dhabnimadiisa la hubo; xaqiiq.
aayakatashi [m.l]
(siyaa.) Xaqa uu waddan u leeyahay waddan kale in uu kaga xoroobo waddan shisheeye ee haystay, una doorto dawladda uu rabo. ld aayakatalin.
andacoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ku a.: war aan xaqiiqadiisa la hubin ku doodid (cid).
annaaniyad [m.dh] (-do, m.dh)
(c.naf.) Mowqifka ama dabeecadda ku tusaysa in aad adiga is muujisid naftaada keliya, ama aad aaminsantahay in aad ka muhimsantahay dadka kale, adigoo aan xaqiiqsan, mudnaan gaar ahna aad is siisid.
x [m.dh]
(xa') Xarafka laba iyo labaatanaad ee
alifka soomaalida, waana shibbane.