xaqiiq
(m.dh)Run; dhab. ld xaqiiqo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaqiiq ↴
caadla'aan [m.dh]
1. Xasilloon ahaansho (cir). 2. Caddaan; xaqiiqo. 3. C. ah: xasilloon (cir). 4. C. ah: Wax saafi ah; wax caddaan ah. caddaan, xaqiiqo
raadraac [m.l]
Baarid la sameeyo si arrin hore u dhacday xaqiiqdeeda loo helo. ld raadraacid.
raadraac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday)
Arrin hore u dhacday xaqiiqdeeda raadin.
yaqiin [m.dh]
War iwm oo dhabnimadiisa la hubo; xaqiiq.
andacoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ku a.: war aan xaqiiqadiisa la hubin ku doodid (cid).
annaaniyad [m.dh] (-do, m.dh)
(c.naf.) Mowqifka ama dabeecadda ku tusaysa in aad adiga is muujisid naftaada keliya, ama aad aaminsantahay in aad ka muhimsantahay dadka kale, adigoo aan xaqiiqsan, mudnaan gaar ahna aad is siisid.
cilmibaaris [m.dh]
Raadinta xaqiiqo la xiriirta cilmi.
daata [m.dh]
(xis.) Xaqiiqooyin ama warar la isa siiyay ama la soo ururiyay si loo baro. D. waxa lagu muujin karaa garaaf jiitimeed, garaaf sawireed iwm.
daliil [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-llo, m.dh/-lo, m.l)
Markhaati cad oo wax xaqiiqnimadiisa lagu caddeynayo.
daliili [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax xaqiiqadooda sheegid.