xiiso
(m.l)Wax la jeclaan jiray, kolka danbe oo la helo, rabitinka la iska dareemo ama loo qaado ama lagula dhaco.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xiiso ↴
xalladee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-deeyay, -deysay)
Hadal dux iyo xiiso u yeelid.
koobi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Ka k.: cid war xiiso leh sheegaysa hadal ka gurid.
maaweeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid si xiiso iyo raaxo leh waqtiga ku dhaafin.
madaddaalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Wax xiiso leh oo waqtiga la isku dhaafiyo.
madaddaalo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aashay, -aalatay)
Wax xiiso leh waqti isku dhaafin.
nanashaaddo [m.dh]
1. Farax, fahmo, firfircooni. 2. Wax si xiiso iyo rabitaan leh loo qabto. 3. Daal iyo jiljileec la'aan.
xarako [m.dh]
1. (-dyo, m.dh) Dhaqdhaqaaq. 2. ld xarakaad, xarakad. Shaqallo loo yeelo xuruufta carabiga. 3. Xiiso; farax.
xiisadhac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
Ka x.: wax rabiddooda dhumin; xiiso wax loo qa-bay lumin.
xiiso elektaroon [m.l] (-ooyin ..., m.l)
(fiis.) Summadda A ayaa lagu asteeyaa. Tamarta baxda marka atam, molikuyuul ama koox ku sugan weji neefeed ay hesho elektaroon si ay u noqoto ayoon taban. Waxa markaas ay noqonaysaa tamarta: A+ e--> A- . Qiimaha togan ee A (halbeeggeedu waa elektaroon-foolt) wuxuu tilmaan u yahay in kul la bi-xiyey.