Site icon Qaamuus

jawaabta

xiji
(m.l)

Dhirta xabagta udgoon dhasha oo moxorka iyo yagcartu ka mid yihiin.

xiji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Ku x.: wax, wax kale u dhoweyn ama raacin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xiji

xajiintir [m.l]
Maro ama jawaan jilicsan oo marka awrta la rarayo kebdaha laga xijiyo.

abjad [m.l] (-dyo, m.dh)
Heeryo cufan, culus oo ka sameysan cajillo, jawaanno, calallo iwm, oo isku tolan oo awrta rarka culus laga xijiyo; qobtol. ld abjed.

dhafandhaaf [m.l]
1. Fal laba dhinac oo iska soo horjeeda si darandoorri ah isu weydaarin. 2. Hab wax loo taxo iyadoo laba wax oo aan isku nooc ahayn si talantaalli ah la isugu xijinayo.

horraysii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Wax dhanka hore xijin.

jafaan [m.l] (-nno, m.dh)
Qalab bir ah ama wax kale, oo geedaha xijiga oo irmaan lagu sarsaro.

jecleysii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
1. Wax rabitaan-kooda cid ku abuurid. 2. Is j.: wax rabitaan-kooda is xijin.

jeed [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Sii j.: cid dhabarka xijin. 2. Soo j.: habeen hurdo ka tegid (cid). 3. U j.: muuqaal il ku hayn. 4. U j.: meel aadid. 5. Ula j.: fal ama hadal ujeeddo gaar ah ka lahaan.

kashkaash [m.l]
Caws nagaar iwm oo aqallada lagu goglo, si reyska gogosha looga xijiyo.

luubaan [m.dh]
Xabag ka baxda geedaha xijiga ah oo udgoon, la shito; mayddi, foox.

masarafad [m.dh] (-do, m.l)
Dhawraarin yar oo caws ka samaysan, oo cunnada gogosha laga xijiyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version