Site icon Qaamuus

jawaabta

xirid
(m.f.dh)

eeg xir². ld xirniin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xirid

aabbur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Dhiil, haan iwm weel yar oo wax lagu shuban karo afka kaga xirid.

gaadaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore isku xirid si aanu u kicin.

gaadaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore iskaga xirid si aanu u kicin.

yaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Koor carrabbadeeda isku xirid si aanay u shanqarin.

nabaaddiinaxirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg nabaaddiinaxir².

xaglagooye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Isku xirid geeso iska horjeeda. Tusaale ahaan, xaglagooyaha labajibbaarane waxa uu laba-gibbaranuhu u qaybiyaa laba saddexagal oo qumman. Marka laga hadlayo shaxan adke ah badanaaba salxaale, sallax xaglagooye waa kan dhexmara laba geftin oo aan deris ahayn.

yookee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -kaysay)
1. Xoolo addimo ka xirid. 2. Xoolo geed ku qabbirid.

afxirid [m.f.dh]
eeg afxir². ld aftuurid.

albaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Irrid, albaab u yeelid. 2. Albaab furan xirid.

almi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Kuul, silis iwm qoor ku xirid (qof).

xir [m.l] (-rar, m.l)
Kayn jiq oo aan meel la maro lahayn.

xir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax xarig iwm ku qabasho, ku guntid. 2. Cid xabsi gelin. 3. Albaab qataarid. 4. Hawl meel ka socotay joojin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version