xoog
(m.l)1. Kartida muruqyadu u yeeshaan culays qaadidda. 2. (-gag, m.l) Ciidan. 3. (-gag, m.l) Kubka intiisa hore u jeedda. 4. (fiis.) Riixidda ama jiididda ku dhacda wax.
xoog
(m.l) (-gag, m.l)(fiis.) Summad F. Fal kasta oo beddela ama isku daya inuu beddelo xaaladda negaashaha walax ama ku jirta socod madoorsoome ah. Xoogga, F, ee ku abbaaran walax cufkeedu (m), dhalinayana karaar ah, (a), waxa lagu helaa F = ma Halbeegga cufku waa Niyuutan (N).
xoog
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)1. Wax khasab ku qaadasho. 2. Haweeney kufsasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xoog ↴
aaddan [f.g.mg4] (-naa, -nayd)
1. (f.g) Is aa.: laba nafley wax da'da ama xoogga iska le'eg ahaansho. 2. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale ku beegan ahaansho. Tus. “Guriga Cali wuxuu ku aaddanyahay Baar Ubax”. 3. (f.mg) Ku
aa.: wax, wax kale muuqaalkooda isku
gudbay ahaansho. 4. (f.mg) Ku soo aa.: wax la filayo in uu meel yimaaddo ama ku dhaco waqti go'an ahaansho.
caabuq [m.l]
1. Hurgumidda meel dhaawac ah;
fasas. 2. C. ah: nafley xoog lahayd oo jirro, nafaqo darro awgeed la tabar darreysay. ld caabaq¹. caabaq, fasas
gaaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof dagaal ku jira ul iwm u taagid. 2. Dareera xoog meel ugu shubid.
gaad [m.dh]
1. Geedsaar leh miro macaan oo la
cuno oo goroyaduna aad u jeceshahay, isla
markaasna looga dhigto kabdhoodka (goonnibaarka) ciyaarta shacdurka. 2. Ul gaaban oo xooggan.
taab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax xoog ku qabasho. 2. Wax fur ku adkayn.
daad [m.l] (-dad, m.l)
1. Biyo xoog leh oo faafa oo ka yimaadda roob da'ay ama webi fatahay. 2. Qaybta roobka ka mid ah oo ugu dambaysti gaarta duruuraha.
jaawi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. ld farjaawi, farjawi. Fardhexada iyo suulka gacanta oo si xoog ah laysugu xoqo ka shanqarin; suuldhabaalayn. 2. Haad turub ka yamxeerin (ciyaar turub).
laandeyr [m.dh]
Laan xoog leh oo xarig lagu xiro, oo inta la soo xoodo ugaarta lagu dabo.
naafee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -faysay)
1. Nafley naafo ka dhigid. 2. Xag dhaqaale, xoog iwm dhaawicid.
naatariyam-haydaroogsaydh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (koostic sooda, NaOH). Adke cad oo sayax-milme ah una habaysan duneed, ilays gudbintiisuna liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiye-milme.