xuur
(m.l) (-ro, m.l)1. Inan da'yar. 2. X. ah: yar, aan weyneyn.
xuur
(m.dh)1. Gabar yar oo aan fil weyneyn. 2. Shimbir luqun dheer.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xuur ↴
buxuur [m.l] (-rro, m.dh)
1. Qof aqoon iyo garaad dheeraad ah leh; abwaan; mufti. 2. Koox daanyeero ah kan hoggaamiya..
coofley [m.dh]
1. Nooc shimbir biyoodka ka mid ah, midab cad oo koox u socota. 2. Cantallay; xuur. 3. Feerta geela meesheeda ugu dambeysa ee leh hilib jilicsan iyo baruur. 4. Inan yar oo aan weli timihii loo dabin.
daaxuur [m.l] (-rro, m.dh)
Daayeer lab oo aad u weyn.
haftoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Xiiqid ama xuurto dareemid.
suxuur [m.dh]
Bisha soonqaad cuntada dadka soomaa cunaan marka waagu soo dhow-yahay; hiraab.
suxuurad [m.l]
ld suxuurasho.
suxuurasho [m.f.dh]
eeg suxuuro. ld suxuu-rad.
suxuuri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid suxuur siin.
suxuurin [m.f.dh]
eeg suxuuri.
suxuuro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Suxuur cunid.